logo: U of MN Extension
img: Info-U Icon




Qashinka iyo Daadinta Sunta Qatarta ah
(Garbage and Hazardous Waste Disposal)

Gobolka Minnesota, qashinka waxaa la geeyaa meelo u gaar ah qashinka. Meelahaas oo u xilsaaran ine ey qashinka kala saraan iyo in ey ka badbaadiyaan dadka sunta qashinka ee dadka waxyeelayn karta. Qashinka cuntada waxa lagu ridaa qashin-qubka. Marmar wargeysyada iyo kartoonadu waxay leeyihiin weelal gaara oo loogu talagalay qashinka dib loo warshadeeyo. Beelaha qaarkood, gasacyada, dhalooyinka, xaashiyaha iyo balaastikada waxa lagu wada ridaa weelka qashinka dib loo warshadeeyo.

Waxyaabo badan oo aan maalinkasta isticmaalno oo ay ka mid yihiin waxyaabaha aan ku nadiifsano guryaha ama ku dayactirano guryaha, baabuurta, waxyaabaha lagu jaro cawska waxay ka mid yihiin waxyaabaha loo tixgaliyo ama keena sunta waxyeelayn karta qoyska. Inkastoo ay waxyaabahaanu yihiin waxyaabo dadka caawiya oo aan laga maarmin hadana waxay keeni karaan waxyeelo caafimaadka dhamaan dadka iyo deegaankaba.

Hadaba maxay yihiin alaabta ku lug leh sunta qatartaa ee waxyeelada keenta?

Badanaa warqada xambaarsan macluumaadka ee ku dul dheggan waxyaabaha aan gadano waxaa ku qoran macluumaad muhiim ah oo sheegaya qatarta kujirta. Erayada qatarta calaamada u ah waxaa kamida kuwan "Danger," "Warning," ama "Caution," hadii aad aragto erayadan waxay muujinayaan qatar iyo waxyaabo u baahan in laga taxadaro oo meel haboon la dhigo shaygaas xiliga isticmaalka iyo kadiba.

Waxyaabaha keeni kara ololka ama holaca waxay ka midyihiin waxyaabaha sababi kara dabka. Waxaa ka mida gaas, daawada rinjiga qafiifiso, rinjiga saliida leh, iyo daawada oo rinjiga oo cijiyaha laysaga tirtiro.

Waxyaabaha ay ku qoran tahay sun waxyeelo waxayna kugu waxyeelayn kartaa liqitaan ama inaad neef ahaan ujiidid ama uu jirkaagu nuugo. Waxyaabahaas waxaa ka mida saliida oo baabuurka loo yaqaano "motor oil", sunta beerta iyo cooska loo yaqaano "pesticides," iyo sunta oo guryaha lagu isticmaalo oo loo yaqaano "ammonia," iyo "bleach.

"Waxyaabaha qaarkood ama sumanka qaarkood waxay gubi karaan ama waxyeelayn karaan jirka. Tusaale ahaan waxaa ka mida nadiifiyaha bullaacadda loo yaqaano "drain cleaners," iyo qaar ka mida sunta ofanka lagu dhaqo iyo sunta oo lagu dhaqo iyo batariga baabuurka.

Waxyaabo waxaa jira hadii laysku dar daro ay kasamaysmi karto sunta waxyeelo u keeni karta dadka. Xataa qaarkood waxay keeni karaan dhimasho tusaale ahaan waxaa ka mida nadiifiyaha bullaacadda loo yaqaano "drain cleaners" oo ah sunta , nadiifiyaha foornada loo yaqaano "oven clearers" iyo waxyaalaha uu ku jiro nadiifiyaha "bleach," "ammonia," ama "lye." Dhamaan waxyaabahan hadii laysku dar daro ama waxyaabo kale ay ku darmadaan waxay keeni karaan qatar marka waa muhiim in qofku lasocdo.

Waxyaabaha qatarta keena badi waad ka badbaadi kartaa hadii aad aqridid ama raacdid tilaabooyinka ku qoran. Hadaad awoodid waxyaabaha qasacadaysan ee aad soo gadatid hal mar isticmaal haday wax soo haraan ha gubin hana ku darin qashinka caadiga. Haku daadin majaroorka biyaha ee guriga ee gee meelaha u gaarka ee loogu talagalay. Waxaa haboon inaad wacdid qaybta qaabilsan qashinka ee degmadaada si ay go'aan uga gaaran. Wixii abaara oo intaa dhaafsiisan oo aad u baahantahay fadlan la xariir qolyaha qaabilsan arimaha kataxdarka sunta qashinka oo laga helo teleefoon-ka lambarkiisu yahay 1-800-657-3843. Ama wac qolada koontaroosha wasaqaynta gobalka Minnesota oo lambarkoodu yahay 1-800-652-9747.

In Minnesota, household garbage, also known as solid waste, is taken to compost sites, recycling centers or landfills. Food wastes go into the main garbage. Sometimes newspapers and cardboard have special recycle containers. In some communities, cans, glass, paper and plastic go together in the same recycle container.

Products, which we use every day in cleaning and repairing our homes, working on our cars, and tending our lawns may be considered household hazardous waste. Most of these products are helpful. But if they are not properly purchased, used, stored, and disposed of, they can cause hazards to our health and environment.

How Do You Know Which Products are Household Hazardous Waste?

The product label has very useful information in determining the use, care, and disposal of a product. Signal words, Danger, Warning, or Caution, on the labels of household hazardous products tell us they need to be used and disposed of with care. Household hazardous products have one of four properties:

Flammable products cause fires. They include gasoline, aerosol paint thinner, oil-based paint, and nail polish remover.

Toxic products are poisonous. They're harmful or fatal if swallowed, inhaled or absorbed through skin. Examples include motor oil, some pesticides, ammonia, and bleach.

Corrosive products can burn skin or corrode materials. Examples are drain cleaners, some oven cleaners, some toilet bowl cleaners, and lead-acid batteries.

Reactive products can explode to make toxic, even deadly gas if mixed with other products. Examples are some drain cleaners, oven cleaners and products with bleach, ammonia or lye.

You can safely use most products if you read and follow the label instructions. Whenever possible use the entire product for its intended purpose. If you have product left over, do not burn it. Do not put it in regular garbage, down the drain, onto the ground, or into storm drains. Recycle or properly dispose of it. Call the county or city solid waste department to determine your options. For more information on specific household hazardous waste products or environmental education opportunities in your community, contact the Minnesota Office of Environmental Assistance at 1-800-657-3843. Or call the Minnesota Pollution Control Agency at 1-800-652-9747.


Title: Qashinka iyo Daadinta Sunta Qatarta ah (Garbage and Hazardous Waste Disposal) Number: 137
Script Writers: Tom Halbach, Sue Thomas Source: Univ of MN Extension Service, Safe Home - Clean Earth, Ramsey County Waste Management Office
Translators: Yasin Garad, Hodan Farah & Abukar Ali
Date: 2002



icon:  Info-U button Info-U Home Page

iconUniversity of Minnesota Extension Service Home Page

URL: http://www.extension.umn.edu/info-u/household/BK667.html  Online Privacy Statement  Web Credits.  Direct questions or comments to sysop@extension.umn.edu

The University of Minnesota Extension Service is an equal opportunity educator and employer.
Copyright  ©  Regents of the University of Minnesota.  All rights reserved.