University of Minnesota Extension

WW-1215     2007  

Si dhib yar oo Guul leh oo Khudaarta loo beerto
Simple and Successful Vegetable Farming

veggie graphic

Sidee loo Iibiyaa Dagalkaaga: Habka Suuq Geynta
How to Sell Your Crops: Marketing (Soomaali)

Copyright ©  2012  Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.

 

printer-friendly PDF version (303 K)

Inta aanad beerin iniintaada, su’aalahan ka jawaab: Sidee baad u iinbin dagalkaaga? Qorshe wanaagsan oo suuq geyn ahi wuxuu hubaal u yahey beero falasho guul leh. Suuq  iyo macaamilkaaga la soco. Ku bilow khudaar caan ku ah dadka dagaanka dagan. Hubi inaad beerto dagal ku filan, iyo inaad sameyso khudaar tayo wanaagsan. Kabacdi isku day sida ugu haboon ee aad uga iibin laheyd macamiilkaaga.

In wax kasta lagu iibiyo meel kaliya

Haddii aad dagantahey meel ka fog macaamilkaaga, waxad sameyn kartaa in aad dagalkaaga ku iibiso meel kaliya, sida dukaan, maqaaxi, ama tukaamada cuntada. Tan waxa layidhaa jumlo suuq. Dagal iibinta noocani wey ka dhakhso badantahey iibinta kale.

Toos uga Iibinta Macaamilkaaga

Haddii aad beeraley cusub tahey ama aanad beer weyn laheyn, waxa haboon in aad dagalkaaga si toos ah uga iibiso macmiilkaaga. Tan waxa la yidhaa Toos suuq geyn ah. Sida runta ah lacag badan iyo waliba adigoo wixii hore lagaaga iibsado, laakiin waxad u bahaneysaa wakhti badan ood ku iibiso. Waa si wanaagsan haddii aad qorshe wacan leedahey, aad wakhti badan hayso, ama aad jeceshahey in aad dadka la kulanto lana sheekeysato.

Sidee ugu Haboon ee loo Go'aansado Baayacaada Suuqa Iibinta

Beeraley badan ayaa khudaartooda ku iibiya dariiqyada agtooda. Qaarkoodna waxey u ogolaadaan in uu macmiilku khudaartiisa uu doorto. Bayacaad suuqee ku wanaagsan adiga?

Suuqa Beeraleyda

Dad badan ayaa yimaada suuqa beeraleyda si ay u iibsadaan khudaar. Waxad iibin kartaa khudaar badan, markaa ku talo gal in aad keento khudaar ku filan maalintaas oo dhan. Hubso qorsheyntaada. Haddii aad rabto in aad khudaartaada ka iibiso suuqa beeraleyda, fiiri ama eeg suuq:

  • Meel mashquula ah
  • Macmiil badani yaqaan
  • Nadiif ah si wacana loo habeeyey

Waa kuwan fikrado kaa cawin kara si uu mafrashkaagu sharaxaad guul leh u noqdao:

  • Mafrashkaaga hareerihiisu ha noqdo meel soo jiidasho leh
  • Macaamilku wuxu jecelyahey sharaxaad badan. Markaa khudaar badan dhig hana noqoto mid darey u eeg hoosgana dhig. Isku dey in aad rogrogto khudaarta balse yey kaa daadan marka uu macmiilku badh qaato.
  • Dagalkaaga dhulka ha dhigin ee saar
  • Dagalkagaa u kala dhig ceyn ceyn oo leh midabo. Khudaarta Jaalaha ama Huruuda ahi, waxey soo jidataa isha macmiilka.
  • U sameyso calaamado iyo qiimey dagalkaaga. Macaamilku waxey jecelhihiin in aay ogaadaa wixii war ah ee ku saabsan beertaada
  • Haddii aad jeceshay sii xayeysii warqado cuntooyin ah (Af Ingriisiga) oo ka socoda wadankaagii iyo sidii ay u isticmaali lahaayeen khudaarta aad iibineyso

Haddii aad rabto war war dheeraad ah sida ugu habboon ee khudaarta loo sharaxo waxad eegtaa qoraalka, “Sida loo guro, keydiyo, ama loo iibiyo khudaarta aad beerto.”

Mafrashyada Wadooyinka dhinaciisa

Dadku waxey jecelhiyeen in ay istaagaan khudaarta lagu iibiyo wadooyinka dhinacyadoda si ay u iibsadaan khudaar darey ah. Waad iibin kartaa dalagaaga adigoon meel fog tagin. Waxad lacag ka sameyn kartaa aadoo iibiya mid iyo labo dagal ah. Sida, xasiid ama galey macaan, yaanyo ama tamaandho.

Macmiilka soo joogsada mafrashku wuxuu jecel yahey geedo midabyo badan leh, beero, xayawaan, iyo alaabta beerta lagu falo oo nadiif ah. Waxey jecel yihiin dagalkaaga oo baxaya in ay arkaan. Haddii uu mafrashkaagu u dhowyahey beertaada iska hubi in ay beertu si wanaagasan u dhowrantahey.
Haddii aad rabto in aad dagalkaaga ku iibiso wadooyinka agtooda:

  • Soo wac xafiiska Fidista Hawolaha dagaanka ee Jamicada Minnesota si aad u weydiiso haddii ay jiraan sharciyo ku saabsan khudaar ku iibinta wadooyinka agtooda.
  • Raadi meel u dhow oo tuulo ama magaalo ah, oo aaney dadku u socdaalin in kabadan 10 maayl.
  • Raadi meel ay baabuur badani mareyso. Baabuurtu waa in ay noqoto qaar qunyar u socda, oo meeshu ay ku dhowdahey calaamad joogsi ah.
  • Raadi meel ay kaa arki karaan dadka baabuurta ku maraya dariiqa.
  • Raadi meel ay dadku dhigan karaan baabuurtooda.
  • Weydii macmiilkaaga sida ay u arkaan mafrashkaaga, waxa yaabo badan baad ka fa'iideysan waxey rabaan. Tani waxey kaa cawin wixii aad beeri lahey sannadka soo socda.

Soo Guro Adigu ama Soo Gur

Macaamilka qaar baa iska jecel in ay beerta ka soo gur taan khudaarta. Waxa tan loo yaqaan Soo Gur ama "Adigu ka soo Gur" beerta. Macaamilka ugu wanaagsan ee beerta ka soo gurta waxey u baahanyihiin khudaar badan oo ay qasacad ku ridaan ama ay talaajada ku ridaan si ay baraf u noqoto. Haddii aad ku dhowdahey dad khudaartooda baraf ka dhiga, in aad yaga ka gadaa ma xuma.

Haddii aad rabto in aad sidan u iibiso dagalkaaga, marka hore soo wac Xafiiska Fidista Hawlaha dagaanka ee Jamicada Minnesota, haddii ay jiraan sharciyo ku saabsan. Waxa laga yabaa in ay macmiilkaagu u baahdan musqulo iyo meelo lagu dhaqdo gacmaha. Taasi waa haddii aad daglkaaga u iibsid sida kor ku xusan. Wakhti baad u baahan in aad tusdo dadka sida dagalka loo daryeelo, ka bacdi fiirso sida ay u shaqeyso.

Bulsho Caawisa Habka Beerofalashada ah (CSA)

CSA waa hab loo iibiyo oo uu macaamilku dalbado khudaar dagal ah oo beeraha katimaad oo ku filan xili. Dalbade ama CSA blushed midkamida wuxuu bixiyaa lacag inta uusan xiliga beer falashdu bilaamin. Lacag waad ka sameyn weyna kuu soo noqon marka aad iibiso dagalkaaga. Bulsho Caawisku (CSA) waxey leeyihiin meelo ay dhigaan sanduuqyo ay ku jiraan khudaar oo dadka ururka ku jiraa ay usbuuciba mar quatrain. CSA waxey isku deydaa in ay xidhiidhiso beeraleyd iyo bulshada cunta khudaarta, qaar badan oo ka mid ah CSA ayaa bixiya waraaqo sharxaya khudaarta, sida raashin loo sameeyo, iyo wixii war ah ee cusub ee ku saabsam beeraha. Soo wac Xafiiska Fidista Hawlaha dagaanka ee Jaamicada Minnesota sidii aad u ogaan lahey iibinta dagalkaaga ado isticmaalaya CSA.

Qorshaha ugu Wanaagsani waa Iibinta Dagal Wanaagsan

Iibinta guusha leh ee dagalkaagu waxey ku xidhantahey adigoo dagalkaagu yahey mid darey ah caafimaadna qaba. Meelkasta oo aad ku iibisaba, macmiilkaagu wuxuu rabaa wax heer sare ah. Mar labaad, ka fakir waxa muhiim ku ah adiga sida aad dagalkaga u iibiso. Ma rabtaa in aad hore u iibiso? Ma rabtaa in aad la kulanto dadka macmiilkaaga ah oo aad siiso macaamil wanaagsan? Miyaad rabtaa in ay qaataan khudaar tooda? Miyaad vrabtaa in ay bixiyaan khudaarta xagaag bilowga xiliga? Jawaabaha su’aalahani waxey kaa caawin go’aanka aad gaadhid eek u saabsan suuqa ugu fiican.

 

Translated by Saad Samatar; edited by Mary Meyer, Extension Horticulturist.

 

-

In accordance with the Americans with Disabilities Act, this material is available in alternative formats upon request. Please contact your University of Minnesota Extension office or the Extension Store at (800) 876-8636.


▲ Back to top