University of Minnesota Extension

WW-1214     2007  

Si dhib yar oo Guul leh oo Khudaarta loo beerto
Simple and Successful Vegetable Farming

veggie graphic

 

Sidee baa loo Guraa, Xereeyaa, loona Iibyaa Khudaarta aad Beerto
How to Pick, Store, and Sell the Vegetables You Grow (Soomaali)

Copyright ©  2012  Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.

 

printer-friendly PDF version (313 K)

Waxad aad ugu shaqeysey in aad beerto khudaar wacan. Marka ay gaadho wakhtigii aad iibin laheyd dagalkaaga, xasuuso sedan

  • Gur khudaarta wakhti ku haboon
  • U Xeree khudaarta sida ugu haboon
  • Kafoojignow khudaarta marka aad suuq geyneyso, iyo
  • Si haboon u tus khudaarta marka aad suuqa keento

Marka ay dadku arkaan khudaartaada oo cafimaad qabta, wey kaa iibsan mar kale.

Sidee ugu Wanaagsan ee aad u Guri una Kaydin Khudaartaada

Gur khudaartaada wakhtiga cimiladu qabowdahey. Maalmaha daruurta ah, subaxda hore, iyo waliba wakhtiga ugu wanaagsan oo ah galabtii.

Isticmaal midi soofeysan si aad ugu gooyso khudaarta geedka. Isticimaal weel ama baaldi aad ku gurto dagalgaaga. Aad u ilaali marka aad dagalka gureysid si aaney u bururin. Waxad dhigtaa maro nadiifa weel guntiisa  si ay u caawiso dagalka.

Marka aad buuxineyso weelka ku dhaaf meesha hooska ah. Kabacdi raac sida uu dhigayo  tusaaluhu si midkasta oo khudarta ka mid ah aad si wanaagsan u kaydiso.

Haddii ay khudaartu u baahato qoyaan marka aad kaydineyso, ku dabool bac leh daloolo. Ama, haddii aad qabto hawado nadiifiye uu qaboojahaagu leeyahey, waxad ku qiyaastaa  95%.

Si dagdag ah dagalkaaga u gee suuqa. Waxey markaa noqonayaan cuseyb ama darey, cafimaad iyo midab qurxoon.

Khudaarta qaarkood wey raagi karaan kabacdi marka aad beerta ka gurto. Sidaas darted waxa muhiim ah in aad gurto aanad kaydiso khudaarta caadiga ama joogtada ah ee Maraykanka marka hore:

Kaabash. Gur kaabashka marka uu madaxu adagyahey. Ku hay meel qabow oo qoyaan yar leh. Kaabashku wuu xumaadaa shan bilood ka bacdi.

Dabacase. Gur dabacasaha marka dhererka dushu uu gaadho cabir hal iinj ah. Ka gur caleenta dush dabacasaha. Ku keydi meel qaboow oo qoyaan yar leh. Dabacasuhu wuu xumaadaa siddeed bilood ka bacadi.

Toon. Gur toonta marka caleenteeda badh noqdaan huruud ama jaalle. Ku qalaji buruqa ama salka hoose ee toonta meel qol qabow ah muddo laba toddoba ilaa afar toddobaad ah. Ku keydi meel qalalan oo hawo qabooje leh. Toontu wey xumaataa afar bilood ka bacdi.

Basal. Gur basasha marka ay qoorteedu dhuuqsantayahey ama giigsan tahey qaleylna yahey. Marka hore ku keydi qol qabow iyo kuleyl midna aan aheyn ilaa afar toddobaad. Markaa basasha ku keydi meel qabow oo qalalan, baraf ha ka dhigin. Basashu wey xumaataa afar bilood ka bacadi.

Digirta (kala qaadid) Gur digirta kala qaadan muddo laba ilaa saddex toddobaad ka dib marka digirtu ubax dhash. Ku hey meel qabow iyo qoyaan leh, oo aanse ka qaboween 40 digrii. Digirtu wey xumaataa muddo toddobaad ka bacadi

Koolofaloowar (Khudaar dhex cad). Gur kooliofaloowar marka uu madaxu uu cadyahey. Ku hey meel qabow oo qoyaan leh. Koolofaloowar wuu xumaadaa saddex toddabaad ka bacdi.

Galley (macaan). Gur galleyda macaan marka ay xariirtu qalasho ee ay cawlaan noqoto. Hubi iniinta miraha ado suulkaaga isticmaalaya. Haddii gudaha iniinta miruhu caano u eegyihii, waa wakhti haboon in la guro. Ku hey meel qabow iyo qoyaan leh. Galleydu wey xumaataa shan cisho ka dib.

Qajaar. Gur qajaar marka uu dherarkiisu gaadho lix iinj. Ku hey meel qabow yar oo qabowgu ka hooseyn 40 digrii. Ha la geydin Qajaarka tufaaxa iyo tamaandhada. Qajaarku wuu xumaadaa toddoabaad ka bacdi.

Ukungeedeed (eeg-palant). Gur ukungeedka marka uu midabku dhalaal caddan ah noqdo. Ku hey meel qabow oo qabowgu ka hooseyn 50 digrii. Ukungeedku wuu xumaadaa toddobaad ka bacdi.

Ansalaato. Gur ansalaatoda marka ay cleentu jilicsantahey. Ku hey caleenta meel qabow oo qoyaan yar leh. Ansalaatoda wey xumaataa toddobaad ka bacdi.

Peas (Digir qalka cagaaran ku jirta). Gur digirta marka ay weli isha jilicsantahey. Ku hey meel qabow oo qoyaan yar leh. Digirt qalka lihi wey xumaataa toddobaad ka bacdi.

Basbaas. Gur basbaaska marka ay noqdaa cabirka iyo midabkaad rabtey. Ku hey meel qabow oo aan qabowgeedu ka hooseyn 50 digrii. Basbaasku  wuu xumaadaa toddobaad ka bacdi.

Radishes (Raadhish, ama bari-guduud). Gur Raadhishka marka ay xididadiisu gaadhaan hal iyo rubuc iinj (1¼-inches) dhinacyad. Ka qaad dush waxa saran raadishka. Ku hey meel qabow oo qoyaan yar leh. Raadishku wuu xumaadaa bil ka bacdi.

Isbinij. Gur isbinijka marka ay caleentiisu wali jilicsnatahey. Ku hey meel qabow oo qoyann yar leh. Isbinijku wuu xumaadaa toban casho ka bacdi.

Bocorka (Xagaa). Gur bocorka xagaaga marka dharar kiisu gaadho afar ilaa lix iinj. Kju hey meel qabow. Xagaa bocorka wuu xumaadaa toban cisho ka bacdi.

Yaanyo ama Tamaandho (Cas). Gur yaanyad cas marka ay castahey ama casaan barxaan wadda noqoto. Ku hey meel qabow laakin ha qaboojin. Yaanyadu wey xumaataa shan cisho ka bacdi.

Sidee u Wanaagsan ee Khudaartaada loo Geeyaa Suuqa

Khudaartaada ha ahaato mid daray ah oo qalalsaneyn marka aad geyneyso suuq. Waxa ugu haboon adigoo isticmaala gaadhi qabooji leh si ay khudaartu u ahaato daray, ku hay khudaarta meel qabow. Ku rid baraf qaboojiya.. Haddii ay khudaartaadu u baahato in ay qalasho, ku lab bac ama warqada jaraa'idka, kabacdi dhig meel qabow.

Sidee u Wanaagsan ee Dagalkaaga loogu Iibiyaa Suuqa

Dadku waxey jecelyihiin in ay iibsadaan cunto u eeg daray, cafimaadqab, yio nadiif. Wey kaa iibsan dagalkaaga haddii aad adigu:

  • Ku hey dagalkaaga meel hadh leh, markaa waxey ahaan daray.
  • Isticmaal dalad si aad hadh u heshid haddii usan geed hadhkii jirin.
  • Meesha aad wax ku soo bandhigeyso ha sida marfashka ama gaadhiga ah hato meel nadiif ah. Hubbi in ay khudaartu nadiif yihiin oo aaney dhaawicmin.
  • Khudaarta u dhig si xariiq qudha ah ama saf dhinac dhinac ah si ay dadku u arkaan una taabtaan.
  • Dhig khudaar kala baaxad ah, si ay dadku u arkaan cabbirka ay rabaan.
  • Noocyada khudaarta ee isku mid ah isku sooc si ay dadka ugu fududaato khudaarta ay rabaan.
  • Bandhigaaga khudaartaada ka dhig mid midabo noocyo badan ah, maro nadiif ah oo midabo leh hoos uga dhig ama dalaayad si aad u qurxiso.
  • Soo bandhig 10 ilaa 12 khudaar kala nooc ah. Ku kale ku hey meel qabow si ay daray u ahaadaan.
  • Dadka salaam una ilka caddie marka ay soo booqdaan meeshaada.

Sidee u wanaagsan ee laguu dhugan karaa marka aad suuqa wax ku iibineyso

Waxa jira beeraleh badan oo dagalkooda suuqa keena. Sidee dagalkaaga looga sooci karaa? Hubi in ay khudaartaadu tahey mid cusub oo darey ah. Waxad soo bandhigto ha noqdo mid midabado wacan leh. Meesha aad wax ku iibineyso ha noqoto meel nadiif iyo soo jiidasho leh. Ku kalsoonow khudaartaada iyo sharaxaad. Dadkuna wey ku arki.

 

Translated by Saad Samatar; edited by Mary Meyer, Extension Horticulturist.

 

-

In accordance with the Americans with Disabilities Act, this material is available in alternative formats upon request. Please contact your University of Minnesota Extension office or the Extension Store at (800) 876-8636.


▲ Back to top