Main navigation | Main content
Campuses:
WW-1212 2007
Si dhib yar oo Guul leh oo Khudaarta loo beerto
Simple and Successful Vegetable Farming
Copyright © 2012 Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.
printer-friendly PDF version (285 K)
Carro cafimaad qabta waa muhiim. Waxey siisaa geedaha cunto iyo biyo, iyadoo ka caawisa in ay koraan kabacdina ay siiso bixitaan heer sare ah oo tacab yar. Carada wanaagsani waxey leedahey midab madoow oo kala daadaneysa marka aad farahaaga ku dareento. Si aad caro cafimaad qabta u hesho, xasuuso sida:
Carro biyo shub wanaagsani hore ayey u qalashaa iyadoo wakhti haboon siisa qoditaanka beerta. Carrada shub wanaagsan leh waxa hore u gaadha hawada ogsajiinka ilaa meelaha xididka, cafimaad ayey xididka siisaa. Waxa ugu haboon koritaanka xididka marka ay dhacdo carro aan laheyn biyo shub xun.
Haddii carro qoyan la dul maro, caradii hoos bay isgu ururtaa markaa waxey soo tuurtaa hawadii biyuhuna ma dhaafi karaan carada. Markaa waxan la heleyn meel ku filan oo xididkii ka baxo. Carro isku duuban midho wanaagsan ma soo bixiso. Sug inta uu dhulku ka qalalayo inta aanad abuurin.
Nafaqayntu waxay ka koobantahey geedo dhintey, xidido iyo caleemo. Ku darista Nafaqada ee carradu waxey hore u marisaa carrada hawadda neytrojinta iyo iyadoo bixisa dhirtii. Haddi carradu tahey dhoobo culus, ku darista nafaqadu waxey ka caawisaa in biyaha carrada ka saarto. Haddii ay carradu tahey bataax, ku darista nafaqadu waxey caawisaa in carradu biyaha xajisato. Ku darista nafaqayntu waxey u keenta dirxi iyo xasharaad kale oo caawiya in ay dhirta iyo xididkuba noqdaan xoog iyo cafimaad.
Caradaadu waxay u baahantahey macadan caawisa si ay dhirtu u korto. Ku darka nafaqeyntu waxey carrada siisaa macadan iyo nuxur, laakiin carrooyinka qaar baa u baahan cunto badan. Jaamicada Minnesota waxey kuu tijaabin carradaada si loo eego in ay qabto isku jir sax ah oo macadan iyo nuxur leh. Qaali ma aha waana lagaa cawin sidii aad u beeri laheyd dhir iyo midho cafimaad qaba.
Saddexdii sannoba mar waa in muunad laga qaado carrada. Muunada waxa la qaadi karaa wakhti kasta oo sannadka gudihiisa ah. Waxa dhib yar in la qaado muunda xiliga Guga iyo Dayrta marka inta badan aad joogto beerta. Waxa lagaa qaadi lacag yar oo ku baxda kharashka tijaabada.
Soo waca xafiiska fidista ee dagaankaaga si aad uga hesho bac aad ku rido muunada carrada. Waxey ku weydiin doonaan suaalo ku saabsan beertada iyo iyagoo kaaga jawaabi doona suaalahaaga.
Munada carrada u soo ururi sida ugu wanaagsan si ay tijaabadu u shaqeyso. Siyaabaha aad muunada carradaad uga soo qaadi beertaada:
Kabacdi marka carradaada la tijaabiyo, jawaabta ka soo baxda waxa laguu soo dhigi boostada. Jawaabtu waxey kuu sheegeysaa haddii ay carradaadu u baahantahey nuxur. Markaa adiga ayaa go’aan gaadhi kara in aad u baahantahey nuxur siyaado ah iyo in kale.
Nafaqeyntu waxey waxa yeeli kartaa dhirta haddii si qalad ah loo isticmaalo. Qiyaasta fiican iyo nooca fiican ee nafaqeyntu waxey carradaada ka dhigtaa cafimaad iyo adigoo aan khasaarin nafaqeynta iyo lacagtaba. Isticmaal inta aad u baahantahey oo kaliya. Haddii aanad fahmin tilmaamah, soo wac xafiiska fidista ee dagaankaaga.
Carradu waa qeybta ugu muhiimsan ee beerta. Haddii aad rabto in aad beerto mudho wanaagsan xagaaga iyo jiilaalka, xasuuso in aad xanaaneyso carradaad sannadka oo dhan.
Translated by Saad Samatar; edited by Mary Meyer, Extension Horticulturist.
In accordance with the Americans with Disabilities Act, this material is available in alternative formats upon request. Please contact your University of Minnesota Extension office or the Extension Store at (800) 876-8636.