Gold University of Minnesota M. Skip to main content.U of M Home | U of M Directories | Search U of M
Extension Logo

...connecting community needs
and University resources...

Topics

Workshops

Find convenient educational offerings and e-learning

The Extension Store

Shop Extension for educational materials

Making a Difference

Online Parenting Resources

Xannaanada Caruurta (Child Care- Somali)

Related

Extension Programs

Extension Resources

Find materials about:

Related Materials

Dave Riley

Reviewers: Ron Pitzer, Rose Allen

Reviewed July 2009 by Omar Da’ar, Extension Graduate Student.

SOMALI

Markaad caruurtaada uga tagtid qof kale, ha ahaado qoys kale, xannaano caruur, qaraabo, ama saaxiib, waxa ugu muhiimsan oo niyadaada dejin kara waa kalsoonida. Markastoo kalsooni aad ku qabtid xannaaneeyaha siyaadaba, waxaa ku degaysa niyadaada. Hadaba su'aalaha hoos ku qoran baad u baahantahay in aad iswaydiisid.

Xannaaneeyuhu ma…

U koriyaa caruurta sidaada oo kale?

Ma loo tababarey in uu fahmo waxa ilmuhu qaban karaan iyo waxay rabaan in ay sameeyaan da'kastoo ay ku jiraan?

Ma geliyaa Waqti in uu hayo, la ciyaaro, lana hadlo caruurtaada?

Ma hayaa waqti uu ku ilaaliyo caruurta uu kuhayso xannaanada?

Ma soo dhaweeysaa waalidiinta waqti kasta?

Xaruntu ama gurigu maleeyahay…

Shati?

Caruur tiro yar?

Ogow, ciyaalka yaryari waxaa u fiican markay yihiin koox yar. Maleeyahay muuqaal qurux badan oo nadiif ah?

Qalab shaqeynaya lana dayactirey?

Cunto iyo cabitaan nafaqo leh?

Ilmuhu fursad ma uhelaan in…

La kor loo hayo, laabto lagu qabto, la ruxo, loo dhoolo caddeeyo, la ursado, lana hadlo?

Ay nastaan markay u baahan yihiin?

Ay guur-guurtaan, ayna falaadaan iyagoo bad qaba?

Ay ciyaaraan walxaha horumariya dareemadooda taabashada, araga, iyo maqalka, sida muraayadaha, qulux-quluxa, waxyaabaha la tuujiyo, digsiyada, ama boombalayaasha jilicsan?

Uu xannaaneeyuhu baro luqada isagoo lahadlaya una sheegaya waxa ilmuhu sameynayo isla markaana ka ficil qaadaneya waxa ilmuhu ku dhaqaaqayo?

ENGLISH

When you place your child in the care of someone else, be it family child care, a center, a relative or friend, the key to your peace of mind is trust. The more you trust the caregiver, the more secure you will feel. Here are some questions to ask:

Does the caregiver…

have child-rearing attitudes similar to yours?

have training to understand what children can and want to do at different stages of growth?

spend time holding, playing with, and talking to your baby?

have enough time to look after all the children in care?

welcome visits from parents at any time?

Does the home or center have…

a license?

only a few children? (Remember, infants do better in small groups.)

have a clean and comfortable look?

equipment that is safe and in good repair?

nutritious meals and snacks?

Are there chances for children…

to be held, cuddled, rocked, smiled at, and talked to?

to relax and rest when they need to?

to crawl and explore safely?

to play with objects that develop their senses of touch, sight and hearing, such as mobiles, mirrors, rattles, things to squeeze and roll, pots and pans, or soft toys?

to learn language through the caregiver talking to the child, naming things, describing what he or she is doing, and responding to the child's actions?

The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer.