Print-friendly (pdf)
Somali English En Espaņol Hmong
CODKAAGA - COD-BIXINTAADA
CODKAAGU WAXTAR AYUU LEEYAHAY - FIGRADDAADU WAA MUHIIM! |
Doorashada waxaad ka qeyb-qaadan kartaa haddii aad tahay:
- Muwaaddin Maraykan ah
- 18 jir ama da' ka weyn Maalinta Doorashada
- Qof Minnesota deggan ugu yaraan 20 maalmood inta ka horreysa Maalinta Doorashada
- Qof deggan xaafad leh meel cod-bixin Maalinta Doorashada
- Qof aan galin dambi xaquuqda shacabka la isaga qaado
- Qof aan "mas'uul laga ahayn"
- Qof aan sharcigu waxba ka reebin
Sidee baad u cod-bixineysaa?
-
Isku diiwaan-geli doorashada: Sidee? Buuxi kaarka is diiwaan-gelinta ama iska diiwaan-geli goobta cod-bixinta, kolkaa waa inaad haysataa caddeyn aqoonsi iyo mid cinwaanka meesha aad ku nooshahay Maalinta Doorashada.
- Aqoonsiga iyo meesha aad deggan tahay waxaad ku cadeen kartaa:
- Leysanka gaariga lagu wado ee Minnesota, warqada baabuur-barashada, teesaraha dawladda ama caddeyn inaad teesare cinwaankaaga hadda ku sugeyso. Haddii uu yahay mid cinwaan hore ku qoran, la imow caddeyn qarash-bixin (oo magacaagu ku qoran yahay) sida korontada iwm.
- Qof meesha cod-bixinta ee xaafadaddaada ka diiwaan-gashan oo ka damaanad qaadi kara deegaankaaga
- Baasaboorka Maraykanka iyo caddeyn kharash-bixin sida korontada iwm.
- Ardayda - aqoonsi ardaynimo oo sawir leh, is diiwaan-gelin, ama waraaq caddeyn u ah kharash aad waxbarasho ku bixisay oo cinwaankaagu ku qoran yahay - ama caddeyn kharash-bixin sida korontada iwm. - ama liiska guryaha ardayda ee goobta aad ku cod-bixineysid
- Aad meesha lagu codbixinayo Maalinta Doorashada. Sida caadiga ah waxaad codkaaga ka bixin kartaa xaafadda aad ku nooshahay. Waxaad wici kartaa oo aad cinwaanka goobta doorashada ka heli kartaa hanti-dhowrka dagmadaada ama xaafiiska arrimaha magaaladaada. Haddii aad kol dhow is-diiwaan gelisay, waxaa laguu soo diri doonaa waraaq kuu sheegeysa halka aad ku cod-bixineysid.
- Cod-bixinta. Ilaallada Doorashada ayaa ku tusi doona sidii aad waraaqaha doorashada u buuxin lahayd iyo sidii aad santuuqa ugu ridi lahayd. Waxaa kale oo ay kaa caanwin doonaan akhriska ama calaamadaynta waraaqaha doorashada haddii aad u baahato cawimaad.
|
FIIRO GAAR AH: HADDII AAD CODEYSID ADIGOON AHAYN MUWAADDIN MARAYKAN AH, TAASI WAA NOOC KHIYAAMADA KA MID AH, WAA LAGU MASAAFURINAYAA IYADOO AADAN WAX RAJO AH KA LAHAYN SOO NOQOSHO AMA MUWAADDINNIMO MUSTAQBALKA DAMBE AH. |
Ogow:
Qoraalkani waa mid kooban oo hagaya dadka ku nool Minnesota ee codeynaya. Qoraalku ma aha mid dhameystiran ama mid ay ku dhan tahay habka codeynta ee uu sharcigu dhigayo. Haddaba wixii faahfaahin dheeraad ah ee ay ka mid tahay cod-bixinta dadka aan xaadirka ahayn, fadlan booqo www.sos.state.mn.us halkaas oo aad iska diiwaan-gelin karto Internetka , ama waxaad wici kartaa hanti dhowrka dagmadaada ama xafiiska arrimaha magaalada.
|

Produced by Communication and Educational Technology Services, University of
Minnesota Extension.
In accordance with the Americans with Disabilities Act, this material is available in alternative formats upon request. Please contact your University of Minnesota Extension office or the Extension Store at (800) 876-8636.
University of Minnesota Extension is committed to the policy that all persons shall have equal access to its programs, facilities, and employment without regard to race, color, creed, religion, national origin, sex, age, marital status, disability, public assistance status, veteran status, or sexual orientation.