Skip to Main navigation Skip to Left navigation Skip to Main content Skip to Footer

University of Minnesota Extension
www.extension.umn.edu
612-624-1222

Extension > Agriculture > Poultry > Avian influenza > Biosecurity for pigeon lofts

Print Icon Email Icon Share Icon
Print PDF version

Biosukuriti for pigeon lofts: Ka hortagga cudurka xeryaha qoolleyda

Carol Cardona

In English | In Hmong | In Somali

Si fudud, Biosukuriti waa wixii aad sameyn lahayd si aan u joojiso in cudur ku faafo xeradaada ama uu meel kale kaaga yimaaddo. Si guud, waa hanaanka rasmiga ah ee lagu joojiyo in bakteeriya ama feyras ay ugu kala gudbaan labo xayawaan, labo xero, mararka qaarna, labo qof. Alaabada biosucuritiga loo adeegsado, qasab ma aha inay qaali noqdaan. Run ahaan, marka laga yimaaddo kharashka waxyaabaha jeermiska lagu dilo, ama haddii dadka qaarkood ay rabaan inay xirtaan marada dharka laga kor gashado, koofiyad iyo waxyaabaha kabaha laga kor gashado, alaabta Biosukuritiga waa la xakameyn karaa, oo waa in ay aad u yaraadaan. Marar badan, xeryaha lacag yar baa lagu dhisi karaa, si deg-deg ah ayaana loogu sameyn karaa halbeegyo Biosukuriti oo ku filann, xitaa haddii xeyndaabyo lagu wareejiyo.

Dadka xerada ka shaqeynaya badankoodu waxay raacaan halbeegyo Biosukuriti oo waxtar leh:

Kuwani waa halbeeyo guud oo Biosukuritiga la xiriira, kuwaas oo badankeenu aan maalin walba sameyno – waxaan u sameynaa si aan uga hortagno fiditaanka cudurka. Sidaas waligeen ugama aynaan fikirin – inaga oo Biosukuriti u jeedna! Mar-marka qaarkood, inaad bedeshid habkii hore ee aad wax u sameyn jirtay, waxay keenaysaa inaad Biosukuriti ku filan sameysay, sida habka aad u ilaalisid weelka ama qalabka kale ee cuntada shimbiruhu ku jirto (waa haddii ay xerada dhex yaallaan.)

Iyada oo la eegayo fahamka aan ka haysano meesha ay ka yimaaddaan iyo sida ay u fidaan waxyaabaha cudurka keenaa, talooyinka soo socda ayaa loo dejiyey si looga hortago fiditaanka ay feyraska iyo bakteeriyadu ku fidiyaan saxaaradaha is-garab yaalla ee qooleyda (xamaamka), oo markaa looga hortago caabuq cusub oo ku yimaadda shimbiraha cudurka u nugul. Talooyinka soo socda waxa loo qeybiyey (1) tijaabooyinka ugu wanaagsan ee horay loo soo sameeyey (Best practices) iyo (2) kuwo beddel u ah kuwo kale (alternate practices) si loogu fuliyo saxaarad walba.

Waxaan sameynay talooyinkan oo ku saleysan saddex hanaan oo Biosukuriti ah, kuwaas oo kala ah gooni ama gaar-u-saarid, socodka oo la xakameeyo, iyo jeermiska oo la dilo.

Gaar-u-saaridda waxa looga jeedaa in shimbirahaaga aad ku hayso meel xaddidan. Sida xero shimbirahaagu ay ku dhex jiraan oo xayawaanka kalena ka horjoogsanaysa.

In isu-socodka la xaddido waxaa ka mid ah in xeradaada/dhismahaaga la soo galo ama in la xaddido isu socodka aad adiga ama dadka ku soo booqanayaa ay xeradaada ku imanayaan. Mar-marka qaarkood wax-ka-beddel aad ku sameyso sidii aad hawsha u qaban jirtay ayaa ku filan inay ka hortag wanaagsan noqoto.

Nadaafaddu waxay ka hadlaysaa in alaabada, qalabka kale iyo waxyaabaha dadku xiran yahayba kiimiko lagu nafiidiyo ka hor inta dhismahaaga iyo xeradaba ayna soo galin. Waxa kale oo loo baahan yahay dadka dhex jooga xeradaada ay iyaguna nadiif yihiin.

Biosukuritiga iyo tartanka qoolleyda

Waxa laga yaabaa inay u muuqato in ciyaaraha qoolleyda lagu tartansiinayo ay dhibaato u keeayaan dhammaan tallaabooyinkii dhinaca Biosukuritiga ee xerada. Dhowr wax oo aa kuu sheegnay inaad ka fogaato, waxay ka dhacaan goobta tartanku ka socdo. Hase yeeshee, Biosukuritiga waxaa sidoo la sameyn karaa marka tartanku jiro si loo yareeyo fursadda uu cudurku ku iman karo goobta tartanku ka socdo.

Biosukuritiga Shimbiraha laga soo celiyey goobta tartanka

Waxaa jira labo hab oo loo mari karo tartanka. Labaduba waa sharci, mid kasta oo ka mid ahina waxa uu leeyahay faa’iido iyo khasaare. Hab kasta oo la doorto, waxay ku xiran qofka xerada iska leh, ka marka si taxaddar leh loo eego faa’iidada iyo khasaaraha la socda mid kasta oo ka mid ah labada hab. Waa kuwan labada hab:

Biosukuritiga marka shimbiraha laguu keeno iyo marka naadiga la joogo

Hab kasta oo Biosukuriti ah oo aad xeradaada u dooratid, waxaa jiraya dhowr arrimood oo caqli u baahan, kuwaas oo ah inay qeyb ka noqdaan tallaabooyinka Biosukuritiga ee naadigaas.

Biosukuritiga baabuurka

Baabuurka waa si buuxda loo nadiifiyo, jeermiskana looga dilaa inta aan mar kale la isticmaalin.

2017

  • © Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.
  • The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer. Privacy