Skip to Main navigation Skip to Left navigation Skip to Main content Skip to Footer

University of Minnesota Extension
www.extension.umn.edu
612-624-1222

Extension > Agriculture > Poultry > Avian influenza > Asaaska cudurka keena hargabka shimbiraha oo loogu talo galay dadka digaaga ku dhaqda magaalooyinka iyo deyrarkooda

Print Icon Email Icon Share Icon

Asaaska cudurka keena hargabka shimbiraha oo loogu talo galay dadka digaaga ku dhaqda magaalooyinka iyo deyrarkooda

W. Martin, R. Porter Jr., S.L. Noll and C. Cardona

In English | En Español | In Hmong | In Somali

Waa maxay Hargabka Shimbiruhu?

Hargabka Shimbiraha oo afka qalaad lagu yiraahdo Avian Influenza (AI) waa cudur ku dhaca shimbiraha la dhaqdo sida digaagga, turkiga, digaag-duurka, boollo-boollada, iyo ceelaabada. Digirinka iyo xiidanxiitadu waxay iyagu hoy u yihiin fayraska noociisa keena cudurka hargabka shimbiraha, waxayna fayraska ku hurgufaan deegaanka, iyaga oo xitaa wax xanuun ahi aanu ka muuqan. Qaar ka mid ah noocyada hargabka shimbiraha ayaa loogu yeeraa kuwo khatar badan, waxana loo soo gaabiyaa (HPAI), maxaa yeelay si ka duwan sida feyraska Digirinka, fayraskani waxa khatar weyn ayuu ku yahay shimbiraha. Calaamadaha khatarta ah ee lagu arko digaagga marka HPAI uu hayo waxay iskugu jiraan kuwo la xiriira dhinaca neefsiga iyo dheef-shiidka, waxana xiga in shimbirtu ay dhakhso u dhimato. Xiligaas waxaa barar lagu arki karaa madaxa, qoorta, iyo indhaha, waxaana isbeddel ku yimaadda midabka madaxa iyo lugaha kaas oo yeesha midabka casaan-buluugga (purple). Si taas ka duwan, noocyada kale oo shimbiraha, sida turkiga, waxaa lagu arkaa calaamado dhinaca dareen-wadka ah, sida jirka oo dubaaxiya, qoorta oo qaloocata, garbaha oo taag beela, iyo iyaga oo lugaha hawada ku dhaqdhaqaajiya, iyada oo dhabarku uu dhulka u yaallo. Waxa caadi ah in dhamaan shimbiraha (marka laga reebo boollo-boollada iyo ceelaabada) uu xanuunku dhakhso ugu bilowdo, tiro badanna ay ka dhimato.

Ilaa bishii Diisembar, 2014kii, Wasaaradda Beeraha ee Maraykanka (USDA), waxay diiwaan galisay xaalado la hubo oo cudurkan HPAI ah, waxana mas’uul ka ahaa nooca gaarka ah ee H5N2 oo laga helay digirinka, iyo digaaga kale ee guraha gadaashooda lagu dhaqdo ee gobolada Washington, Oregon, California, Idaho. Waxa kale oo laga helay shimbiraha ganacsiga gala ee gobolada California, Minnesota, Missouri, iyo Arkansas (Faahfaahin halkan ka eeg). Khatarta dadka uga imanaysaa aad bay u yar tahay, mana jirto welwel dhinaca cuntada ah maxaa yeelay shimbiraha uu cudurku ku dhacaa suuqa ma soo gaaraan. Khatarta in caabuq dhasho waxay ku kooban tahay dadka tooska ula tacaala dhimbiraha uu xanuunku ku dhacay oo kaliya. Xasuusin ahaan, shimbiraha iyo ukumaha waa in si wanaagsan loola tacaalaa, laguna kariyaa heerkul gaaraya 165-degree Fahrenheit. Ha cunin shimbiro u muuqda inay jiran yihiin ama sababo aan la garaneynin u dhintay. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan badbaadada cuntada).

Wixii aad sameyn lahayd haddii aad ka shakido in shimbirahaagu ay qabaan hargabka shimbiraha ee aadka u daran

Gobolka kastaa waxa uu leeyahay hay’ad u gaar ah oo lagu talo galay inay ka jawaabto xaalada hargabka shimbiraha. Minnesota, hay’adda u qaabilsani waa Board of Animal Health. Haddii shimbirahaagu ay la kulmaan dhimasho tiro badan ama boqolkiiba in badan ay muujiyaan calaamadaha hargabka shimbiraha ee daran, fadlan, horay ugu wargali dhakhtarkaaga xayawaanka ama Minnesota Board of Animal Health. Booqo website-kooda, ama wac Minnesota Poultry Testing Laboratory (MPTL), lambarka (320) 231-5170. MPTL waxay la shaqeysaa Veterinary Diagnostic Laboratory VDL ee Jaamacadda Minnesota, faraceeda St. Paul. Sheybaarkani waxa uu sameeyaa baarista ku saabsan hargabka shimbiraha. Wixii faahfaahin dheeraad ah, la xiriir VDL, lambarka 612- 625-8787 ama booqo website-kooda.

Tallaabooyin la xiriira bayosekuuritiga si aad shimbirahaaga u ilaalisid

Si dadka shimbiraha dhaqda looga caawiyo in shimbirahoodu ay ahaadaan kuwo caafimaad qaba, iyada oo cudurka laga hortagayo, bayosekuuritigu waa lagama maarmaan! Cudurka Hargabka Shimbiraha ee aadka u daran (HPAI) waxa uu ka yimaaddaa shimbiraha biyaha ag jooga sida boolo-boollada iyo ceelaabada oo gobolka Minnesota yimaadda. Markii digaagaaga uu cudurka ku dhaco, waxay u gudbin karaan shimbiro cusub. Markaa hadda waa xiligii ugu wanaagsanaa ee aad dib u eegi lahayd hanaanka bayosekuuritiga. Wasaaradda Beeraha ee Maraykanka (USDA) ayaa talooyinkan bixinaysa si looga hortago in cudurka Hargabka Shimbiraha looga ilaaliyo digaagaaga.

Ka fogow (Digaagaaga ka fogee meelaha cudurku ka imanayo). Tusaale:

Nadaafadda (Nadiifi oo jeermiska ka dil). Tusaale:

Cudurka gurigaaga ha keenin. Tusaale:

Dariskaaga cudur ha ka keenin

Macluumaad dheeraad ah

Faahfaahin dheeraad ah, faldan booqo website-yadan:

2017

  • © Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.
  • The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer. Privacy