Skip to Main navigation Skip to Left navigation Skip to Main content Skip to Footer

University of Minnesota Extension
www.extension.umn.edu
612-624-1222

Extension > Agriculture > Poultry > Avian influenza > Hargabka shimbiraha ku dhaca oo loogu talagalay dadka qoolleyda dhaqdas

Print Icon Email Icon Share Icon
Print PDF version

Macluumaad ku saabsan Hargabka shimbiraha ku dhaca oo loogu talagalay dadka qoolleyda dhaqda

Carol Cardona and Wayne Martin

In English | In Hmong | In Somali

Waa maxay Hargabka Shimbiruhu?

Hargabka shimbiruhu waa cudur saameeya noocyada kala duwan ee shimbiraha oo ay ku jirto qoolleydu. Feyruska cudurkan keena waxaa inta badan keydiya shimbiraha nooca booloboolada iyo shimbiro yar oo loo yaqaano Shorebirds oo inta badan laga helo haraha iyo meelaha biyo dageenka ah. Shimbirhan ayaa inta badan cudurka u soo gudbiya degaanka iyaga oo aan laga dareeemeynin wax jiro ama qandho muujineysa iney cudurka qabaan. Noocyo ka mid ah cudurkan hargabka ah ayaa aad u halis ah waxaana lagu magacaabaa hargabka dilaaga ah (highly Pathogenic, HPAI), maxaa yeelay, wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah oo ku timaada digaaga. Baaritaan lagu sameeyey qooleyda ayaa wuxuu muujinayaa in cudurkan uu saameyn ku yeesho neerfaha qooleyda sida, luqunta ama qoorta oo qaloocata, iyo in shuban cagaaran ay sii daayaan inta aysan dhiman ka hor. Feyruska keena cudurkan ayaa wuxuu la mid yahay kan sababa cudurka jadeecada, furuqa iyo mid ku dhaca sambabada.

Laga soo bilaabo bishii Disembar 2014, Wasaaradda beeraha dalka Mareykanka (USDA) waxay xaqiijisay xaalado cudurka HPAI ah, gaar ahaan nooca loo yaqaano H5N2 oo laga helay boolonboolada, shimbiraha deyrka guryaha lagu dhaqdo, iyo kuwa ganacsiga ee lagu dhaqdo dhanka badweynta basifigga iyo webiga la yiraahdo Mississippi. Riix halkan si aad u hesho Macluumaad dheeraad ah. Riix halkan si aad u hesho Macluumaad dheeraad ah.

Wixii aad sameyn lahayd haddii aad ka shakido in qoolleydaadu ay qabto hargabka halista ah ee HPAI?

Gobolka kastaa waxa uu leeyahay hay’ad u gaar ah oo lagu talo galay inay ka war hayso xaalada hargabka shimbiraha. Minnesota, hay’adda u qaabilsani waa Board of Animal Health. Haddii shimbirahaagu ay la kulmaan dhimasho tiro badan ama boqolkiiba in badan ay muujiyaan calaamadaha hargabka shimbiraha ee daran, fadlan, horay ugu wargali dhakhtarkaaga xayawaanka ama Minnesota Board of Animal Health. Booqo website-kooda, ama wac Minnesota Poultry Testing Laboratory (MPTL), lambarka (320) 231-5170. MPTL waxay la shaqeysaa Veterinary Diagnostic Laboratory VDL ee Jaamacadda Minnesota, faraceeda St. Paul. Sheybaarkani waxa uu sameeyaa baarista ku saabsan hargabka shimbiraha. Wixii faahfaahin dheeraad ah, la xiriir VDL, lambarka 612- 625-8787 ama  booqo website-kooda.

Fadlan Raac Taxadarka hoos ku qoran

Qofka qoolley leh si uu uga ilaaliyo iney cuduro ku dhacaan oo uu caafimaadkooda u sugo waxaa lagama maarmaan ah inuu ku dadaalo Biosecurity oo ah taxadar gaar ah oo la qaato si loo ilaaliyo in cuduradani ayna faafin. Inta badan cudurka halista ah ee HPAI ee ku dhaca qoolleyda waxaa sababa shimbiro kale oo cudurka qaba, sida doorada, booloboolada, iyo turkiga. Waxa kale oo ay ka imaan karaan shimbiraha ku nool meelaha biyo dageenka ah sida ceelaabada ama shimbirta Boolonboolada loo yaqaano iyo shimbiraha la yiraahdo Gulls, Gulls waa nooc shimbiro waaweyn oo badanaa laga helo badaha. Taxadarka waxaa qeyb ka ah in qoolleyda laga ilaaliyo iney ku darsamaan noocyada kale ee shimbiraha ah. Taxadarka waxaa aad u caawin kara in qofku uu heysto qoraal sugan oo uu si joogta ah u raaco. Qaar ma mid ah qoraalka waxaa kuu diyaariyey Wasaaradda Beeraha dalka Mareykanka.

Wasaaradda Beeraha dalka Mareykanka waxey diyaarisay warbixin kooban oo kuu fududeynesa inaad ka ilaaliso shimbirah inuusan ku dhicin cudurka hargabka ee loo yaqaano Cudurka shimbiraha:

  • Ka fogee shimbirahaada kuwa kale. Raac tusaalooyinkaan hoos ku qoran:
  • Nadiifinta, raac tusaalooyinkaan:
  • Cudur gurigaada ha u soo rarin. Fiiri tusaalooyinka hoos ku qoran:
  • Macluumaad dheeraad ah halkaan ayaad ka heli kartaa:

    Riix Bogaga Hoose

    Avian Influenza Home Web Page
    USDA Animal and Plant Health Inspection Service Biosecurity Tips
    USDA Animal and Plant Health Inspection Service Biosecurity and Avian Influenza
    Minnesota Department of Health
    UMN Extension

    2017

    • © Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.
    • The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer. Privacy