University of Minnesota Extension
/
612-624-1222
Menu Menu

Extension > Garden > Commercial Fruit and Vegetable Production > Simple and Successful Vegetable Farming > Sidee baa loo Guraa, Xereeyaa, loona Iibyaa Khudaarta aad Beerto

Sidee baa loo Guraa, Xereeyaa, loona Iibyaa Khudaarta aad Beerto

Print-friendly PDF (313 K)

Copyright © 2013 Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.

Waxad aad ugu shaqeysey in aad beerto khudaar wacan. Marka ay gaadho wakhtigii aad iibin laheyd dagalkaaga, xasuuso sedan

Marka ay dadku arkaan khudaartaada oo cafimaad qabta, wey kaa iibsan mar kale.

Sidee ugu Wanaagsan ee aad u Guri una Kaydin Khudaartaada

Gur khudaartaada wakhtiga cimiladu qabowdahey. Maalmaha daruurta ah, subaxda hore, iyo waliba wakhtiga ugu wanaagsan oo ah galabtii.

Isticmaal midi soofeysan si aad ugu gooyso khudaarta geedka. Isticimaal weel ama baaldi aad ku gurto dagalgaaga. Aad u ilaali marka aad dagalka gureysid si aaney u bururin. Waxad dhigtaa maro nadiifa weel guntiisa si ay u caawiso dagalka.

Marka aad buuxineyso weelka ku dhaaf meesha hooska ah. Kabacdi raac sida uu dhigayo tusaaluhu si midkasta oo khudarta ka mid ah aad si wanaagsan u kaydiso.

Haddii ay khudaartu u baahato qoyaan marka aad kaydineyso, ku dabool bac leh daloolo. Ama, haddii aad qabto hawado nadiifiye uu qaboojahaagu leeyahey, waxad ku qiyaastaa 95%.

Si dagdag ah dagalkaaga u gee suuqa. Waxey markaa noqonayaan cuseyb ama darey, cafimaad iyo midab qurxoon.

Khudaarta qaarkood wey raagi karaan kabacdi marka aad beerta ka gurto. Sidaas darted waxa muhiim ah in aad gurto aanad kaydiso khudaarta caadiga ama joogtada ah ee Maraykanka marka hore:

Kaabash. Gur kaabashka marka uu madaxu adagyahey. Ku hay meel qabow oo qoyaan yar leh. Kaabashku wuu xumaadaa shan bilood ka bacdi.

Dabacase. Gur dabacasaha marka dhererka dushu uu gaadho cabir hal iinj ah. Ka gur caleenta dush dabacasaha. Ku keydi meel qaboow oo qoyaan yar leh. Dabacasuhu wuu xumaadaa siddeed bilood ka bacadi.

Toon. Gur toonta marka caleenteeda badh noqdaan huruud ama jaalle. Ku qalaji buruqa ama salka hoose ee toonta meel qol qabow ah muddo laba toddoba ilaa afar toddobaad ah. Ku keydi meel qalalan oo hawo qabooje leh. Toontu wey xumaataa afar bilood ka bacdi.

Basal. Gur basasha marka ay qoorteedu dhuuqsantayahey ama giigsan tahey qaleylna yahey. Marka hore ku keydi qol qabow iyo kuleyl midna aan aheyn ilaa afar toddobaad. Markaa basasha ku keydi meel qabow oo qalalan, baraf ha ka dhigin. Basashu wey xumaataa afar bilood ka bacadi.

Digirta (kala qaadid) Gur digirta kala qaadan muddo laba ilaa saddex toddobaad ka dib marka digirtu ubax dhash. Ku hey meel qabow iyo qoyaan leh, oo aanse ka qaboween 40 digrii. Digirtu wey xumaataa muddo toddobaad ka bacadi

Koolofaloowar (Khudaar dhex cad). Gur kooliofaloowar marka uu madaxu uu cadyahey. Ku hey meel qabow oo qoyaan leh. Koolofaloowar wuu xumaadaa saddex toddabaad ka bacdi.

Galley (macaan). Gur galleyda macaan marka ay xariirtu qalasho ee ay cawlaan noqoto. Hubi iniinta miraha ado suulkaaga isticmaalaya. Haddii gudaha iniinta miruhu caano u eegyihii, waa wakhti haboon in la guro. Ku hey meel qabow iyo qoyaan leh. Galleydu wey xumaataa shan cisho ka dib.

Qajaar. Gur qajaar marka uu dherarkiisu gaadho lix iinj. Ku hey meel qabow yar oo qabowgu ka hooseyn 40 digrii. Ha la geydin Qajaarka tufaaxa iyo tamaandhada. Qajaarku wuu xumaadaa toddoabaad ka bacdi.

Ukungeedeed (eeg-palant). Gur ukungeedka marka uu midabku dhalaal caddan ah noqdo. Ku hey meel qabow oo qabowgu ka hooseyn 50 digrii. Ukungeedku wuu xumaadaa toddobaad ka bacdi.

Ansalaato. Gur ansalaatoda marka ay cleentu jilicsantahey. Ku hey caleenta meel qabow oo qoyaan yar leh. Ansalaatoda wey xumaataa toddobaad ka bacdi.

Peas (Digir qalka cagaaran ku jirta). Gur digirta marka ay weli isha jilicsantahey. Ku hey meel qabow oo qoyaan yar leh. Digirt qalka lihi wey xumaataa toddobaad ka bacdi.

Basbaas. Gur basbaaska marka ay noqdaa cabirka iyo midabkaad rabtey. Ku hey meel qabow oo aan qabowgeedu ka hooseyn 50 digrii. Basbaasku  wuu xumaadaa toddobaad ka bacdi.

Radishes (Raadhish, ama bari-guduud). Gur Raadhishka marka ay xididadiisu gaadhaan hal iyo rubuc iinj (1¼inches) dhinacyad. Ka qaad dush waxa saran raadishka. Ku hey meel qabow oo qoyaan yar leh. Raadishku wuu xumaadaa bil ka bacdi.

Isbinij. Gur isbinijka marka ay caleentiisu wali jilicsnatahey. Ku hey meel qabow oo qoyann yar leh. Isbinijku wuu xumaadaa toban casho ka bacdi.

Bocorka (Xagaa). Gur bocorka xagaaga marka dharar kiisu gaadho afar ilaa lix iinj. Kju hey meel qabow. Xagaa bocorka wuu xumaadaa toban cisho ka bacdi.

Yaanyo ama Tamaandho (Cas). Gur yaanyad cas marka ay castahey ama casaan barxaan wadda noqoto. Ku hey meel qabow laakin ha qaboojin. Yaanyadu wey xumaataa shan cisho ka bacdi.

Sidee u Wanaagsan ee Khudaartaada loo Geeyaa Suuqa

Khudaartaada ha ahaato mid daray ah oo qalalsaneyn marka aad geyneyso suuq. Waxa ugu haboon adigoo isticmaala gaadhi qabooji leh si ay khudaartu u ahaato daray, ku hay khudaarta meel qabow. Ku rid baraf qaboojiya.. Haddii ay khudaartaadu u baahato in ay qalasho, ku lab bac ama warqada jaraa'idka, kabacdi dhig meel qabow.

Sidee u Wanaagsan ee Dagalkaaga loogu Iibiyaa Suuqa

Dadku waxey jecelyihiin in ay iibsadaan cunto u eeg daray, cafimaadqab, yio nadiif. Wey kaa iibsan dagalkaaga haddii aad adigu:

Sidee u wanaagsan ee laguu dhugan karaa marka aad suuqa wax ku iibineyso

Waxa jira beeraleh badan oo dagalkooda suuqa keena. Sidee dagalkaaga looga sooci karaa? Hubi in ay khudaartaadu tahey mid cusub oo darey ah. Waxad soo bandhigto ha noqdo mid midabado wacan leh. Meesha aad wax ku iibineyso ha noqoto meel nadiif iyo soo jiidasho leh. Ku kalsoonow khudaartaada iyo sharaxaad. Dadkuna wey ku arki.

Translated by Saad Samatar; edited by Mary Meyer, Extension Horticulturist.

  • © 2013 Regents of the University of Minnesota. All rights reserved.
  • The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer. Privacy